Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in maalinta Talaadada ee 9-ka bishan Siddeedaad oo ay Kenya ka dhici doonto doorashada guud ay tahay maalin fasax qaran ah.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayuu ku sheegay in shacabka aynan shaqooyinka aadin si ay fursad ugu helaan ka qayb qaadashada codeynta.
Codbixiyeyaasha u diiwaangashan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa maalintaasi dooran doono madaxweyne , guddoomiyaasha ismaamullada , xubnaha aqalka sare , xildhibaannada deegaannada ee baarlamaanka , wakiillada dumarka ee ismaamullada iyo xubnaha goleyaasha hoose ee dowlad deegaannada.
Doorashada ayaa soo afjari doonto muddo xileedka madaxweyne Uhuru Kenyatta si uu talada wadanka ugu wareejiyo madaxweynaha xiga ee loolanka ku soo bixi doono.
Xilka madaxweynenimo waxaa sanadkan u tartamaya afar musharrax oo kala ah Raila Odinga , William Ruto ,George Wajackoyah iyo David Waihiga .