Dowladda oo maanta sharfi doonto 142 halyeeyo ah

0
187

Waxaa uu qorshuhu yahay in dowladdu ay maanta billad sharafeed guddoonsiiso 142 halyeeyo ah.
Madaxa fulinta ee golaha halyeeyada qaran Charles Wambia ayaa sidatan sheegay.
Waxaa uu xusay in shakhsiyaadkan lagu sharfi doono siyaabaha kala duwan ee ay uga qayb qaateen dhisidda qaranka.
Waxaa uu tilmaamay in dadkan laga soo xushay waaxyo kala duwan sida deeqsinnada , hoggaanka, aqoonta asalka ah, farshaxanka, cayaaraha, cilmi baarista, ilaalinta deegaanka, midnimada iyo isdhexgalka qaran , ganacsiga iyo kuwo kale.
Wambia ayaa intaasi ku daray in golaha uu hoggaamiyo uu dib u eegis ku sameynaya liiska halyeeyada la aqoonsaday tan iyo sanadkii 2017-kii si loogu soo daabaco wargeyska rasmiga ee dowladda.