Dowladda oo loogu baaqay inay ka laabato tallaabadii ay ku fasaxday jaridda dhirta

0
194

Dadka u ololeeya arrimaha deegaanka ee ismaamulka Mombasa ayaa dowladda dhexe baaq u diray.
Shakhsiyaadkan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha urur ka shaqeeya arrimaha nadaafadda ee ismaamulkaasi Dr. Edwin Muinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka codsaday inuu ka laabto amarkii uu dhawaan meesha uga saaray xayiraad horay loogu soo rogay jaridda dhirta.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in tallaabadaasi ay saameyn ku yeelan karto bilicda deegaanka.