Afhayeenka dowladda dhexe Issac Mwaura ayaa ballan qaaday in dowladda dhexe oo kaashanaysa ismaamulka Nairobi iyo hay’adaha samafalka ay caawimaad dhinacyo kala duwan ah u fidin doonto dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii gaaska ka dhashay ee xalay laga soo tabiyay deegaanka Bariga Embakasi ee caasimadda dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in caawimaaddan ay isugu jirto daryeel caafimaad , cunno iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah nolosha qoysaska.
Sidoo kale waxaa dib u dejin loo sameynaya qoysaska dhacdadaasi ku barakacay.
Issac Mwaura ayaa xaqiijiyay in dhacdadaasi ay ku dhinteen 3 ruux oo kenyaan ah halka ilaa 280 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale waxaa dhacdadaasi ku burburay baabuur dhowr ah, meherado ganacsi iyo goobo la degganaa.
Issac Mwaura ayaa sheegay in abaare 11:30 daqiiqo ee habeenimo ee xalay uu qarax ka dhacay aagga Mradi ee xaafadda Utawala ee deegaanka Bariga Embakasi ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu sheegay inay qarxeen haamaha gaaska cuntada lagu karsado oo lagu siday mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa laga soo xigtay in aan la aqoonsan taargada baabuurkaasi.
Waxaa qaraxa gaaska ka dhashay dab xooggan oo si baahsan u fiday .
Issac Mwaura ayaa intaasi ku daray in mid ka mid ah haamaha gaaska ay ku dhacday xarun lagu soo saaro dharka taasoo gubatay.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa xaqiijiyay inay socdaan baaritaannada dhacdadaasi ku aaddan si sababta loo xaqiijiyo .
Waxaa uu tacsi u diray ehellada saddexda ruux ee geeriyootay isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay kuwa dhaawaca ah.