Dowladda oo baaritaan ku sameynaysa dhacdooyinka dabka ee suuqa Gikomba

0
609

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in la guda galay baaritaanno qoto dheer oo ku saabsan dhacdooyinka dabka ee ku soo noqnoqday suuqyada uu ka midka yahay Gikomba ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in baaritaannada ay yihiin kuwo lagu xaqiijinaya sababaha keena in suuqyadan ay gubtaan si mustaqbalka looga hor tago in khasaare hantiyeed uu soo gaaro ganacsatada.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha qaranka William Ruto uu maamullada qaabilsan baaritaannada faray in ay arrintan ka sal gaaraan.
1-dii bishan Afaraad ee April ayay ahayd markii dab saameeyay suuqa Gikomba uu burburiyay meheradaha in ka badan 300 oo ah ganacsatada yaryar.
Kindiki ayaa arrintan ka hadlay xilli uu hooygiisa rasmiga ah ee xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi uu kula kulmay ganacsatada uu khasaaraha soo gaaray.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladda ay ka go’an tahay in dhibaatooyinkan loo helo xal waara.