Biden oo Israa’iil uga digay in ay ku duusho Rafah

0
182

Dowladda Maraykanka ayaa Israa’iil uga digtay in ay duullaan ku qaado magaalada Rafah ee Koonfurta Qaza.
La taliyaha madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee amniga qaranka Jake Sullivan oo warfidiyeennada la hadlay ayaa sheegay in haddii Israa’iil ay magaaladaasi ka billowdo duullaan dhanka dhulka ah ay xaaladda baniaadannimo ee jirta noqon doonto mid sii daran.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Joe Biden ay ka go’an tahay in laga guulaysto Xamaas balse uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu u sheegay in weerar lagu qaado Rafah ay noqonaysa qalad wayn.
Sullivan ayaa xusay in tallaabadaasi ay horseedi doonto in la dilo rayid dheeraad ah oo ay Israa’iil ka sii fogeyn doonto dowladaha caalamka.