Garsooraha sare ee maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka Byram Ongaya ayaa dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jira iyo dowladda u qabtay muddo labo toddobaad ah oo ay ku soo gabagabeynayaan wada xaajoodyada .
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda lagu wargeliyay in labada dhinac ay u socdaan wada hadallo lagu xallinaya ismari waaga taagan.
Dhakhaatiirta dalka ayaa maalinkii 21-aad ku howlan shaqo joojin ay ku dalabanayaan in la dallacsiiyo sidoo kalena la shaqaaleysiiyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee qaatay tijaabada shaqo.
Dowladda ayaa dhankeeda maxkamadda u sheegtay in ururrada dhakhaatiirta ay diideen inay soo afjaraan shaqo joojinta.
Ururka dhakhaatiita dalka ee (KMPDU) ayaa dhankiisa dowladaha ismaamullada ku eedeyay inay diideen ka qayb galka wada xaajoodyada.
Hasa ahaate garsoore Byrum Ongaya ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhinacyadan ay wada xaajoodaan iyadoo la isku tanaasulaya.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay arrinkan mar kale soo qaado 17-ka bishan Afaraad ee April.
Shalay ayay ahayd markii madaxa waaxda shaqaalaha ee dalka Felix Koskei uu sheegay in dhakhaatiirta lagu wareejiyay lacag dhan 2.4 bilyan oo shilin halka la dhameystiri doono lacagaha mushaaraadka ee ka maqan.
Balse ururka KMPDU ayaa taasi ku gacan seyray wuxuuna ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee ay wada saxiixdeen sanadkii 2017-kii.