Dowladda ismaamulka Nairobi oo soo bandhigtay miisaaniyad dhan 42 bilyan

0
247

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa soo bandhigtay miisaaniyad dhaqaale oo gaaraysa 42.3 bilyan oo shilin oo ay doonaysa inay adeegsato sanad maaliyadeedka 2023/2024-ka.
Wasiirka maaliyadda ee ismaamulka Nairobi ,Charles Kerich ayaa hoosta ka xarriiqay in 28.3 bilyan oo lacagtan ka mid ah loo adeegsan doono in lagu qarash geliyo howlaha ismaamulka halka 14 bilyan loo qoondeeyay mashaariicda horumarineed.
Lacagta ku baxaysa horumarka ayaa ah boqolkiiba 33 ee miisaaniyadda guud ee dowlad deegaanka Nairobi.
Sidoo kale 400 oo milyan ayaa loogu talagalay in lagu daadajiyo adeegyada deegaan baarlamaneedyada Nairobi oo ah 17 iyo deegaannada hoose.
Xafiisyadan ayay shacabka ka heli doonaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Sidoo kale maamulka Johnson Sakaja ayaa soo jeedinaya in barnaamijyada horumarinta ee deegaannada hoose loo qoondeeyo lacag gaaraysa 1.95 bilyan oo shilin si la iskula simo dhinaca horumarka.
400 oo milyan oo shilin ayaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo sidoo kalena daawooyin loogu soo iibiyo xarumaha caafimaadka ee caasimadda dalka.
Dhisidda isbitaallada waxaa ku baxaysa 1.1 bilyan oo shilin.
Sidoo kale barnaamijka cunnada ee dugsiyada waxaa ay dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi u qoondeysay 1.2 bilyan oo shilin.
500 oo milyan waxaa lagu qarash gelin doonaa in la dhiso goobo ardayda loogu karinaya cuntooyinka.
Dowladda ismaamulka Nairobi oo kaashanaysa dowladda dhexe ayaa qorsheysay in barnaamijka cunnada ee dugsiyada ay ka faa’iidaystaan carruur dhan 250,000.
Howlaha horumarineed ee dhismooyinka sida waddooyinka ,nalalka lagu xiro waddooyinka , buundooyinka iyo bullaacadaha waxaa loogu talagalay 2.6 bilyan oo shilin.