Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa sheegtay inay bixin doonto qarashaadka caafimaad ee la xiriira daaweynta dadka ku dhaawacmay dabkii xalay ee ka dhashay qaraxii gaaska ee deegaanka Bariga Embakasi.
Sidoo kale ehellada saddexda ruux ee dhacdadaasi ku nafwaayay ayaa laga bixinaya qarashaadka aaska.
Bayaanka uu soo saaray barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja waxaa sidoo kale ku xusan in dhammaan kooxaha caafimaadka ee Nairobi ay xaaladda la tacaalayaan iyagoo kaashanaya qaybta qaabilsan maareynta musiibooyinka iyo khatarrada.
Home Wararka Kenya Dowladda ismaamulka Nairobi oo qarashaadka ka bixinaysa dhibbanayaasha qaraxii Embakasi