Dowladda ismaamulka Baringo oo magdhow siinaysa dadka xoolaha laga dhacay

0
213

Guddoomiyaha ismaamulka Baringo , Benjamin Cheboi ayaa shaaciyay qorsho magdhow lagu siinaya shacabka ay xoolahooda ka dhaceen kooxaha burcadda ah.
Waxaa uu xoola dhaqatada u xaqiijiyay in la diiwaangelin doono ka dibna sanduuq gaar ah laga siinaya lacago magdhow ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in marka laga soo tago dadka lo’da laga dhacay ee magdhowga la siinaya in ay ari u iibin doonaan xoolaha dhaqatada kale ee laga dhacay ariga.
Barasaabka ayaa dhanka kale hay’adaha samafalka ku boorriyay inay caawiyaan shacabka ku dhibaateysan ismaamulkaasi ee nolol ahaan ku tiirsanaa xoolaha.