Dowlada oo garab istaag u muujin doonto qoysas hoy la’aan ku noqday xaafada Kibera

0
301

Wasiirka wasaaradda Adeegga Dadweynaha dalka Geoffrey Ruku ayaa ku celiyay sida ay dawladda uga go’an tahay u diyaar-garowga musiibooyiinka iyo jawaab-celinta degdega ah ka dib dabkii ba’naa ee qabsaday aagga Mukungu ee xaafada Kibra,ismaamulka Nairobi.
Dabkan oo kacay galabnimadii Arbacada, ayaa hoy la’aan dhigay in ka badan 300 oo qoys, waxaana ku burburay hanti malaayiin shilin ah.
Mr Ruku waxa uu qiimeeyay khasaaraha ka dhashay dabkaas xili uu booqday halkii ay musiibada ka dhacday., waxa uuna ballan qaaday in dowladda ay si deg deg ah u garab istaagi doonto qoysaska barakacayaasha ah.
Wasiir Ruku wuxuu ku nuux-nuux saday in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto, ay si buuxda uga go’an tahay xaqiijinta in qof Kenyaan ah uusan ka harin mashaaricda hormarineed ee dalka.