Dowaladda oo sheegtay inuu jiro qorsho lagu daryeelaya saraakiisha ammaanka ee isticmaala balwadda

0
244

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr.Raymond Omollo ayaa xarunta Bomas oo lagu qabtay dabbaal degga maalinta caalamiga ee la dagaalanka isticmaalka balwadda iyo tahriibka ka sheegay inuu jiro qorsho lagu daryeelaya saraakiisha ammaanka ee isticmaala balwadda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in khuburro ay ciidamadan siin doonaan talasiin si kuwa balwadda qabatimay ay u joojiyaan isticmaalkeeda.
Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid saraakiisha ammaanka ka dhigi doonto ku dayasho wanaagsan maadaama ay la tacaalayaan adeegsiga maandooriyaha.
Dr.Omollo ayaa hoosta ka xarriiqay in saraakiisha amniga oo muddo dheer wajaho walwal sare iyo dhibaatooyin dhanka shaqada ah ay intooda badan ku sababto inay balwad qabatimaan.
Xoghayaha ayaa sheegay in waxyaabaha ay dowladda dhexe sanad maaliyadeedkan mudnaan siinaysa ay ka mid tahay wanaajinta daryeelka booliiska iyadoo si gaar ah diiradda loo saaraya xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyo mushaaraadka.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo in ka badan 30 sarkaal ay ka qalin jabiyeen qaybta dhaqan celinta ee xarunta lagu tababaro booliiska deegaanka Kimilii ee ismaamulka Bungoma.
Dowladda dhexe ayaa sanadkan wasaaradda arrimaha gudaha oo qaabilsan la dagaalanka maandooriyaha u qoondeysay lacag dhan 182.5 bilyan oo shilin.
Xoghayaha wasaaraddan Dr.Raymond Omollo ayaa laga soo xigtay in 729 milyan oo dhaqaalahan ka mid ah loogu tala galay howlgallada lagula dagaallamaya isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha oo ay qayb ka tahay in la dhiso xarun isugu jirta daaweyn iyo dhaqan celin.