Douglas Kanja oo ka hadlay barnaamij cusub oo booliiska loogu talagalay

0
422

Taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja ayaa hadlay kadib markii guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ay gacanta ku dhigeen 3 askari oo ka tirsan ciidamada taraafikada oo lacago laaluush ah ka qaadanayey waddada Moi ee magaalada Nairobi.
Kanja oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay ku guda jirto heerkii ugu dambeeyay ee hirgelinta nidaamka booliiska ee dhijitaalka ah si loo yareeyo xiriirka ka dhexeeya booliiska iyo shacabka, loogana fogaado musuqmaasuqa.
Isaga oo faahfaahinayay maalgelinta nidaamka la sheegay, Kanja ayaa xusay inaysan jirin wax walaac ah oo laga qabo arrintaasi madaama ay isa soo saareen deeq-bixiyeyaal dhowr oo diyaar u ah inay taageeraan barnaamijkan.
Fikradda nidaamka dhijitaalka ayaa soo jirtay muddo bilo ah iyada oo ujeeddada ugu weyn ay tahay in la yareeyo xiriirka ka dhexeeya dadweynaha iyo booliiska si loogu dhiirrigeliyo dad badan inay soo sheegaan dembiyada musuqmaasuqa si cabsi la’aan ah.
14-kii bishii hore ee Jannaayo ayuu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen sheegay in diiwaanka dhacdooyinka ee loo yaqaano (OB) oo casri ah la heli doono bisha Afaraad ee sanadkan.