Doorashada guud ee Mali oo dib loo dhigay

0
203

Dowladda militariga ah ee hoggaamiso dalka Mali ayaa shaacisay in doorashada madaxtinnimo oo lagu waday inay wadankaasi ka dhacdo bisha labaad ee sanadka 2024-ta in dib loo sii dhigay.
Afhayeenka dowladda Mali, Cabdoulaye Maiga ayaa go’aanka doorashada dib loogu dhigay u aaneeyay sababo farsamo.
Codeynta ayaa lagu doonaya in maamulka dib loogu soo celiyo rayidka.