Dibadbaxyo lagu dalbanaya in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza oo ka dhacay qaybo ka mid ah caalamka

0
232

Boqolaal kun oo qof ayaa ka qayb qaatay dibadbaxyo ka dhacay magaalooyinka Johannesburg,Washington, London, Paris, Berlin, Jakarta iyo Kuala Lumpur.
Dadkan ayaa Israa’iil ugu baaqay inay joojiso xasuuqa shacabka ee ay ka wado Qaza.
Mudaaharaadyada ayaa lagu dalbaday in ay xabbad joojin degdeg ah ka dhaqan gasho Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , ugu yaraan 23,843 oo qof lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza halka in ka badan 60,317 kalena lagu dhaawacay.