Dhexdhexaadiyaasha Israa’iil oo gaaray Qaahira

0
518

Waxaa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar gaaray dhexdhexaadiyaasha matalaya Israa’iil.
Waxay halkaasi u tageen ka qayb galka wareegga xiga ee wada hadallada la doonaya in heshiis xabbad joojin ah oo waara uu uga dhaqan galo Qaza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la filaya in sidoo kale Qaahira looga hadlo arrinta xadka ay Qaza la wadaagto Masar.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu dhanka kale , Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu beeniyay wararka sheegaya in ay ka baaran degayaan inay oggolaadaan howlgal nabad sugid oo caalami ah oo la geynaya marinka Philadelphi ee kala qaybiya Qaza iyo Masar.