DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo xayiraada ka qaaday jerista geedaha

0
311

Madaxweyne William Ruto ayaa ku dhawaaqay in la qaaday xayiraadda jarista geedaha ee dalka oo dhan, taasoo u oggolaanaysa oo keliya jarista geedaha bislaaday, si loogu isticmaalo ganacsiga alwaaxa ee shirkadaha maxalliga.
Isagoo ka hadlayay Kulliyadda Farsamada iyo Xirfadaha ee Molo ee Elburgon ee ismaamulka Nakuru, Madaxweyne Ruto ayaa waxaa uu sheegay in tallaabadan ay higsanayso dib u soo nooleeyta wax soo saarka alwaaxa maxalliga ah iyo in la yareeyo ku tiirsanaanta alaabta guriga ee dibadda laga keeno.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa uu ka digay in qaadista shuruudaysan ee mamnuucidda aan loo isticmaalin ruqsad si loogu lug yeesho burburinta kaymaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la kulmi doono shaqaalaha warshadaha alwaaxa ee dalka si ay uga heshiiyaan jarista mas’uuliyadda leh.
Waxaa uu sheegay in alwaaxyada laga soo goosto gudaha loo isticmaali doono in lagu sameeyo alaabta guryaha maxalliga ah si loogu qalabeeyo guryaha la awoodi karo ee la dhisayo.