DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo dhaliilay Guddoomiyaha Trans Nzoia George Natembeya

0
53

Madaxweynaha dalkani Kenya, William Ruto, ayaa dhaliilay guddoomiyaha ismaamulka Trans Nzoia, George Natembeya, isaga oo ku eedeeyay inuu ku mashquulsan yahay siyaasado kala qaybinaya bulshada, halkii uu xoogga saari lahaa fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyay dadka deegaanka.
Madaxweyne Ruto ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Trans Nzoia, halkaas oo uu uga qaybgalayay munaasabado la xiriira ilaalinta deegaanka iyo beerista geedaha.
Madaxweynaha ayaa walaac ka muujiyay in siyaasadaha kala qaybintu ay ka leexin karaan hoggaamiyeyaasha waajibaadkooda ku aaddan horumarinta bulshada iyo bixinta adeegyada dadweynaha.