Dowladda dhexe ayaa la wareegaysa maamulka labada isbitaal ee waaweyn ee gudbinta bukaannada ee Kakamega iyo Garissa. Tallaabadan ayaa ka dhigan in maamulka isbitaalladan laga wareejinayo heerka hadda gacanta ku haya, lana hoos keenayo dowladda qaranka si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka iyo maamulka isbitaallada.
Madaxweyne Ruto ayaa hadlkan ka sheege Ismaamulka Kakamega.
Madaxweyne William Ruto ayaa ka qayb galay munaasabad ka dhacday Kaniisadda Katooliga ee St. Mark, deegaanka Matunda, degmada Likuyani, ismaamulka Kakamega, xilli uu sii waday booqashooyinkiisa iyo hawlaha uu ka wado galbeedka dalka Kenya.
Madaxweynaha waxaa booqashada ku wehelinayay xildhibaanka Likuyani, Innocent Mugabe, iyo xildhibaanka Navakholo, Emmanuel Wangwe.
Booqashada kaniisadda ayaa timid maalin ka dib markii Madaxweyne Ruto uu hoggaamiyay dabaaldegga Maalinta Deegaanka ee Mazingira Day, kaas oo ka dhacay Endebess, ismaamulka Trans Nzoia.
Munaasabaddaas ayuu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka, isaga oo sidoo kale xusay qorshaha dowladda ee ah in la beero 15 bilyan oo geed marka la gaaro sannadka 2032.
Sidoo kale, Madaxweyne Ruto ayaa sannadkan dhowr jeer booqashooyin horumarineed ku tagay galbeedka Kenya. Booqashooyinkaas waxaa ka mid ahaa safar shan maalmood qaatay oo uu bishii Maarso ku maray ismaamullada Kakamega, Busia, Bungoma iyo Vihiga.
Intii uu ku guda jiray booqashooyinkaas, madaxweynuhu waxa uu daah-furay mashaariicda dhismaha waddooyinka iyo barnaamijyada guryeynta, isaga oo sidoo kale kormeeray kaabeyaasha dhaqaalaha ee loogu talagalay in la hagaajiyo isku socodka gobollada iyo kor u qaadista ganacsiga.




