DHEGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo maanta Garissa lacag arruun ugu sameeyay ganacsatadii uu ka gubtay suuq Mugdi

0
136

Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa maanta gaaray Magaalada Garissa,isagoo lacag arruurin u sameeyay ganacsatadii ku hanti beeshay suuqii uu dambka ka kacay.
Madax ka kala socotay ismaamulada gobolka waqooyi bari ayaa ka qeyb qaatay lacag arruuntinta loo sameeyay ganacsatada suuq Mugdi.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aden Bare Ducaale oo goobjoog ka ahaa deeqdaasi lacageed ayaa sheegay in mar walba uu garab taagan yahay ganacsatada Suuq Mugdi.

Dhankiisa madaxweyne ku xigeenka dalka oo maanta kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah mashaariicda laga fulinayo magaalada Garissa ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Ruto ay diyaar u tahay fulinta ballanqaadyadii loo sameeyay shacabka gobolka waqooyi bari.
Waxaa uuna sheegay in madaxweyne Ruto uu ka dhabeeyay ballantiisa ahayd inuu shacabka waqooyi bari u fududeyn doono helidda aqoonsiga qaran.
Prof Kindiki ayaa carrabka ku dhuftay in magaalada Garissa ay maanta u tageen sidii ay u caawin lahaayeen dhibanayaashii suuq Mugdi.

Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa madaxweyne Ruto ku ammaanay sida uu shacabka waqooyi bari ugu fududeeyay baasaboorka oo ay horay heliddiisa caqabad ka haysatay.

Hoggaamiyaha labaad ee dalka Prof Kindiki ayaa sheegay in shacabka waqooyi bari ay helayaan mashaariicda laga wado dalka kuwaas oo horay aan u heli jirin.
Waxaa uuna ka hadlay hormarada laga sameeyay wadooyiinka laga dhisayo gobolka waqooyi bari.

Ugu dambeyn madaxweyne ku xigeenka qaranka ayaa ka warbixiyay baarnaamijka guriyaynta iyo suuqyada laga dhisayo ismaamulka Garissa.