DHEGEYSO:Kindiki oo ugu baaqay shacabka bartamaha dalka inay difaacaan hoggaamiyeyaashooda kana hortagaan aflagaaddada mucaaradka

0
119

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa ka codsaday dadka ku nool gobolka bartamaha dalka in aysan oggolaan in hoggaamiyeyaasha la soo doortay ay aflagaaddo kala kulmaan siyaasiyiinta mucaaradka.
Waxaa uu sheegay in dhammaan hoggaamiyeyaasha ay mudan yihiin ixtiraam, iyadoo aan loo eegin kala duwanaanshaha siyaasadeed, isla markaana loo baahan yahay in la diido nooc kasta oo ixtiraam darro ah. Waxaa uu intaa ku daray in shacabka ay adkaysi muujiyaan balse ay ka fogaadaan colaad iyo kicinta xiisadaha aan loo baahnayn.
Kindiki ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu kormeer iyo furitaan ku sameynayay mashruucyo horumarineed oo ka socda deegaanka bartamaha Kirinyaga, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen mashruuca korontada ee Gatarwa iyo waddooyin la dhisayo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka gobolka bartamaha dalka ay ka faa’iideysan doonaan mashaariicda dowladda, isla markaana aysan aqbali doonin siyaasiyiin uu ku tilmaamay in aysan wax badan u qaban deegaannadooda inay ka faa’iideystaan goobta siyaasadeed ee gobolka. Waxaa uu ugu dambayn ku baaqay in madaxda dalka ay muujiyaan ixtiraam gaar ahaan madaxweynaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in hadallo aflagaaddo ah aysan wax faa’iido ah lahayn.