DHEGEYSO:Kindiki Oo Difaacay Waxqabadka Dowladda, Kana Hadlay Doorashada 2027

0
52

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, Professor Kithure Kindiki, ayaa difaacay waxqabadka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto, isaga oo sheegay in madaxweynuhu fuliyay ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha doorashada.
Kindiki ayaa sheegay in doorashada guud ee sanadka soo socda, 2027, lagu qiimeyn doono waxqabadka dowladda iyo mashaariicda horumarineed ee ay fulisay.
Isaga oo ka hadlayay deegaanka Ndia ee ismaamulka Kirinyaga, ayuu hoggaamiyeyaasha mucaaradka ugu baaqay inay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay siyaasado marin-habaabin ah.
Hadalkan ayaa imanaya xilli hoggaamiyeyaal taageersan dowladda ay magaalada Nakuru ka wadaan olole ay ku taageerayaan Madaxweyne William Ruto.
Xulafada madaxweyne Ruto ayaa sido kale difaacay waxqabadkiisa.