DHEGEYSO:Hoggaamiyeyaasha Kenya Kwanza oo ku eedeeyay mucaaradka inay sii hurinayaan kala qaybsanaanta dalka

0
274

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa dhaleeceeyay hoggaamiyayaasha mucaaradka, isagoo ku eedeeyay in ay xasilooni darro ka wadaan dalka.
Isagoo ka hadlayay kulan looga hadlayay xoojinta dhaqaalaha oo lagu qabtay Olooltepes oo ka tirsan degmada Galbeedka Kajiado, Kindiki ayaa ku tilmaamay burburkii hantiyeed ee dhawaan dhacay iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay mudaharaadyada in ay mucaaradka ka dambeyeen.
Waxaa uu ku booriyay Kenyaanka inay midoobaan, horumariyaan nabadda, oo ay diidaan hoggaamiyeyaasha ku howlan nacaybka iyo kala qaybsanaanta, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda ay diiradda saartay sidii ay nolosha ugu beddeli lahayd dadaallo horumarineed oo la taaban karo oo la jaan qaadaya barnaamijka Kenya Kwanza.
Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxa wasiiradda dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi, wasiirka gaashaandhiga Soipan Tuya, hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah, hogaamiyaha aqlabiyada senate-ka Aaron Cheruiyot, iyo la taliyaha madaxweynaha Farouk Kibet.
Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaan Leah Sankaire, Nelson Koech, George Sunkuyia, Johana Ngeno, Sabina Chege, Fatuma Zainab Maxammed, Donya Dorice, Lilian Siyoi , iyo Senator hore Peter Mositet iyo madax kale.