DHEGEYSO:Hoggaamiyaha Jubilee oo midnimo ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka

0
73

Madaxa xisbiga Jubilee Dr. Fred Matiang’i ayaa siyaasiyiinta ay ka wada tirsan yihiin garabka mucaaradka ku boorriyey inay midnimo muujiyaan oo ay ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-da soo dhisaan koox awood leh.
Waxaa uu kaniisad ku taalla magaalada Nairobi ka sheegay in sida keliya ee uu madaxweyne William Ruto tartan adag ula kulmi karo ay tahay in mucaaradka ay la yimaadaan qorsho ay kaga guulaysan karaan.
Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa dhanka kale xusay in loo baahan yahay isbeddel hoggaamineed wuxuuna dadweynaha ka codsaday inay duceeyaan si qaranka uu nabad u sii ahaado.