Isbitaalka heerka afaraad ee Kitengela ayaa wajahaya baaritaan iyo dhaleeceyn xooggan ka dib markii lagu eedeeyay in uu ku guuldareystay caawinta hooyo da’yar oo uurkeedu ku dhintay caloosha.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Abigael Mutubula ayaa sheegtay in ay Khamiistii tagtay isbitaalka iyada oo uur leh, balse baaritaanno lagu sameeyay lagu xaqiijiyay in cunuga ay siday uu uurka ku dhex dhintay.
Waxaa ay sheegtay in tan iyo waqtigaas ay dhakhaatiirta isbitaalka ku guuldareysteen in ay siiyaan daryeel caafimaad oo habboon, inkasta oo xaaladdeeda ay sii xumaaneysay.
Waxaa ay sheegtay in ay saddex maalmood ku wareegaysay waaxyaha kala duwan ee isbitaalka iyadoo gargaar raadineysa, balse aan wax natiijo ah la helin.
Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay caqabadaha baahsan ee ka jira xaruumaha caafimaadka dadweynaha ee dalka, halkaas oo muwaadiniin badan ay wajahaan daryeel la’aan iyo nidaam liita, inkasta oo ballanqaadyo badan oo ka imanaya mas’uuliyiinta ay weli hirgelin la’ yihiin.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Carro xooggan ka dhalatay isbitaalka Kitengela oo lagu eedeeyay dayacaad hooyo cunugeeda...




