Labo dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay inay dukaan jabsadeen iyo ayaa koox careysan ay Ku dileen Tuulada Thiba ee hoostamada deegaanka galbeedka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga.
Dhibanayaashan oo magacyadooda lagu kala sheegay Brian Kihara (21 jir) iyo Benson Wanjohi (22 jir) ayay dadka deegaanka ku eedeeyeen inay ka mid ahaayeen koox shan dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dhaca dukaamo ku yaalla magaalada Thiba iyo tuulooyinka ku xeeran.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in maamulka ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhaca taasi oo ku qasabtay in ay gacantooda sharciga ku qaataan.




