DHEGEYSO:Barasaabka ismaamulka Kericho oo xil ka qaadis ka badbaadey

0
393

Barasaabka ismaamulka Kericho Erick Mutai ayaa, markii labaad, ka badbaaday mooshin xil ka qaadis ah ka dib markii uu senate-ka kala fadhi seddax maalmood ah ka yeeshay.
Intii uu Senetka dhagaysanayay dacwadda xil ka qaadista barasaabka Kericho ayaa waxaa dhacday dood adag iyo in su’aalo la isweydaarsado.
Cod aqlabiyad ah, oo ay u qaadeen golaha guurtidu 26 Senetar ayaa Mayo u codeysay halka hal Senetar uu ka aamusey codeyna.
golaha deegaanka Kericho ayaa ku guuldareystay inuu buuxiyo saddex meelood labo meel oo dastuuri ah si meesha looga saaro gudoomiyaha Kericho.
16 oo wakiilo ah oo xilka ka xayuubisay barasaabkaas ayaana soo bandhigin wax cadeymo ah oo loo cuskan karo xilka qaadista ay ku sameeyeen.
Waa markii labaad ee Guddoomiye Mutai uu ka badbaado xil ka qaadis lagu sameeyay sababo la xiriira habraac, bishii Sebtembar ee sanadkii 2024 ayay ahayd markii uu sidan oo kale uga badbaadey xil ka xayuubin lagu sameeyay.
Shacabka dowlad deegaanka Kericho ayaa dareenkodoa ka dhiibtay xil ka qaadista uu ka badbaaday barasaabkooda.