Nin ayaa ku dhintay shil ka dhacay Ragia Water Falls ee Koonfurta Kinangop, deegaanka Nyandarua, ka dib markii isaga iyo dhalinyaro kale ay ku dhaceen wabiga iyagoo ku jira safar socod lug ah.
Dhalinyaradan, oo qayb ka ah koox ka kooban kow iyo toban qof oo ka socday Kaniisadda Katooliga ee Rwandambo, ayaa socod lug ah ku tagay wabigaas 2-dii bishan Janaayo ee sanadkan 2026.
Wararka booliiska ayaa tilmaamaya in Samuel Mukabi iyo Paul Ngige Mureu, oo 17 jir ah, ay ka soo dhaceen dhagax iyagoo isku dayaya inay sawirro iska qaadaan, waxaa ayna ku dhaceen Webiga Ragia.
Saraakiisha booliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay goobta, iyagoo la kaashanayo quusayaasha maxalliga ah iyo xubnaha bulshada, meydka Mukabi ayaa la helay waxaana loo qaaday qolka meydadka ee Isbitaalka Engineer iyadoo la sugayo baaritaan dheeraad ah.
Dadaallada lagu raadinayo Paul Ngige Mureu ayaa socda, iyadoo la filayo quusayaal dheeraad ah oo ka imanaya Naivasha inay sii wadaan howlgalka samatabbixinta.
Mas’uuliyiintu waxay ku boorriyeen dadka inay taxaddar aad u weyn muujiyaan marka ay boqoanayaan biyaha Ragia Water Falls.




