Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda dalka , Joe Mucheru oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay inuunan marnaba ka qoomameynayn tallaabadii uu taageero siyaasadeed ugu muujiyay musharraxii madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Waxaa uu sidoo kale difaacay go’aankii ay isaga iyo wasiirro kale uga dhex muuqdeen saaxadda siyaasadeed ee wadanka.
Mar wax laga waydiiyay waxqabadkii maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta ayuu ku sheegay boqolkiiba 80 isagoo sababeeyay.




