DHAGEYSO:Wasiiradii haweenka Soomaaliya oo aas qaran Muqdisho loogu sameeyay

0
265

Meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti ayaa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Diyaarad gaar ah oo uu la socday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa Meydka Khadiija Diiriye looga soo qaaday Jabuuti, waxaana salaada Janaasada lagula tukaday Garoonka diyaaradaha.
Madaxda ugu sarreeysa dalka Soomaaliya, mas’uuliyiin kala duwan iyo kumanaan dadweyne ah ayaa ka qeyb galaya aaska Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.
Maxamed Shuuriye Nuur lataliyihi wasiirkii haweenka Soomaaliya ee geeriyootday ayaa faahfaahin ka bixiyay taariikhdeeda oo kooban iyo himilooyinkeedii wuxuuna dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay iska cafiyaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka iyo xaquuqul insaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Wax walba oo wasiir Khadiijo dooneysay in la hormariyo halkeeda ay ka sii wadaynaan.
Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa sheegay in Geerida Wasiir khadiijo ay taabatey ummadda Soomaaliyeed oo dhan, isagana ay si gaar ah u taabatay.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankooda waxay ka hadleen aaska wasiirkii haweenka Soomaaliya khadiija Maxamed Diiriye.
gudoomiyaha guddiga Cadaaladda iyo dastuurka golaha Shacabka Xildhibaan Xaaji Cali,Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka banaadir Yabooh,Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo dowlada Soomaaliya ka tirsan ayaa qoyska ay ka baxday AUN wasiirada Khadiija iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida wasiirada.