DHAGEYSO:Wasiiradda caafimaadka oo sheegtay in lagu guulaysanaya barnaamijka UHC

0
222

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha oo wareysi gaar ah siinaysay idaacadda Radio Citizen ayaa sheegtay in lagu guulaysan doono barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
20-kii bishan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto daahfuray barnaamijkan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in 100,000 oo qof oo ah dadka si iskood uga shaqeeya daryeelka bulshada in la siiyay qalabka ay ku howlgeli karaan taasina ay si maalinle ah ula socoto.
Wasiiradda ayaa dhanka kale dadweynaha ugu baaqday inay soo dhaweeyaan shakhsiyaadkan tababarrada iyo qalabka la siiyay si ay ugu fidiyaan adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah sida la socodka heerka macaanka ama sokorowga.
Sidoo kale waxay sheegtay inay xaqiijin doonto in aan la lunsan lacagaha loogu talagalay in wasaaradda caafimaadka ay ugu adeegto kenyaanka.