DHAGEYSO:Ugu yaraan saddex guri oo lagu gubay Lamu

0
421

Wararka naga soo gaaraya tuulada Kilimani Mokowe ee ismaamulka Lamu gobolka xeebta ayaa sheegaya in halkaasi xalay laga gaystay weerar kale oo qof lagu dhaawacay.
Ilaa saddex guri ayay dab qabadsiiyeen burcadda oo aan weli haybtoodu la aqoonsan.
Qaar ka mid ah dadka dhacdadan hooy la’aan ku noqday ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta iyagoo dowladda ka codsaday inay sugto amnigooda.

Dhanka kale xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in howlgal amni oo ballaaran uu ka socdo Lamu si looga takhaluso kooxaha gaysanaya falalka amni darrada.