Waxaa lagu wadaa in guddiga adeegga macallimiinta ee (TSC) uu wada hadallo muhiim ah la yeesho hoggaamiyaasha ururrada ay ku mideysan yihiin bareyaasha waddanka.
Tani ayaa looga arrinsanaya shaqo joojin laga cabsi qabo in ay saameyso howlaha tacliinta ee dalka.
Waxaa wada xaajoodyada lagu casuumay ururka qaran ee macallimiinta ee (KNUT) , ururka kale ee bareyaasha ee (KUPPET) iyo dalallada macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada ardayda qabo baahiyaha gaarka ah ee (KUSNET).
Madaxa fulinta ee guddiga TSC,Nancy Macharia ayaa isugu yeertay kulankan oo qabsoomaya 10-ka barqannimo ee maanta.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ururrada macallimiinta ee waddanka ay sheegeen in bareyaasha ay xilli dugsiyeedka saddexaad ee sanadkan ku dhaqaaqi doonaan shaqo joojin qaran haddii aan la xallin tabashooyinkooda.
Waxyaabaha ay dalbanayaan waxaa ka mid ah in dowladdu ay ka laabato miisaaniyadda laga dhimay TSC sidoo kalena la dhaqangeliyo heshiis ku saabsanaa mushaar kordhin oo la wada saxiixday sanado ka hor.
Ururrada macallimiinta ayaa ka dib kulanka TSC waxay wada hadli doonaan mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee wasaaradaha shaqaalaha, maaliyadda iyo waxbarashada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maalmo ka hor guddiga TSC iyo wasaaradda maaliyadda ku amray in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa ismari waaga jira.
Waxaa uu dhinacyada kala duwan ku boorriyay in ay aad iskaga ilaaliyaan wax kasta oo carqaladeyn kara hannaanka waxbarasho ee dugsiyada dowladda.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:TSC oo la filaya in ay kulan la qaadato mas’uuliyiinta ururrada macallimiinta