Dadka deegaanka ee xaafadda Huruma ee magaalada Nairobi ayaa Arbacadii isugu soo baxay waddooyinka, iyaga oo mudaaharaad ka dhigay toogasho loo geystay wiil 14 jir ah.
Wararka ayaa sheegaya in wiilkaasi lagu toogtay rasaas ay rideen booliis, xilli ay isku dayayeen inay kala eryaan koox dad ah oo buuq sameynaysay isla markaana hor istaagayay howlgallo ay fulinayeen dambi baarayaal doonayay inay xiraan dad lagu tuhunsan yahay dhac.
Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in dhacdadan ay muujinayso isticmaalka awooda xad dhaafka ah, waxaa ayna dalbadeen in si degdeg ah loo baaro toogashada, lana soo qabto cidda ka dambeysa.
Xiisadda ka dhalatay dhacdadan ayaa sare u qaadday walaaca dadka deegaanka, iyada oo ay jirto baaqyo isa soo taraya oo lagu dalbanayo isla xisaabtan iyo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo shacabka.




