Qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa dowladda dhexe ka dalbaday in ay baaritaan qoto dheer ku sameyso shilkii diyaaradeed ee Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay ismaamulka Elgeyo Marakwet ee ay ku nafwaayeen taliyihii guud ee ciidamada difaaca dalka General Francis Ogolla iyo 9 sarkaal oo kale.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dowladda ku boorriyay in ay shaaciso natiijada ka soo bixi doonto baaritaannada socdo si arrintan looga gudbo.
Hoggaamiyaha xisbiga NARC Kenya Martha Karua ayaa dhankeeda ku baaqday in la dardargeliyo baaritaannada.
Waxay sheegtay in ay jiraan tabashooyin dhanka amniga ah oo u baahan in qaranka looga jawaabo.
Barasaabka ismaamulka Siaya, James Orengo ayaa xusay in ay qasab tahay in dowladdu ay shacabka u xaqiijiso in la sameyn doono baaritaano furan.
Senatarka dowlad deegaanka Siaya, Oburu Odinga ayaa sheegay in horay hoggaamiyaal ka soo jeeday gobolka Nyanza laga takhalusay sidaasi awgeedna ay dalbanayaan in xaqiiqada la ogaado.
Waxaa uu wiilka general Ogolla ka codsaday inuu dulqaad muujiyo oo uunan dhibsan baaqyada la xiriira baaritaannada.
Wiilka uu dhalay taliyihii ciidamada militariga ee dalka ee geeriyooday oo lagu magacaabo Joel Rabuku Omondi Ogolla ayaa dhaliil u jeediyay shakhsiyaadka warbixinnada ku soo daabaco baraha bulshada iyo shabakadaha intarneetka oo uu sheegay in ay ku dagdageen shaacinta geeridii aabihiisa ka hor inta aan qoyska si rasmi ah loogu wargelin.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in taliyaha iyo madaxweynaha dalka William Ruto ay ahaayeen saaxiibo dhow.
Waxaa uu ka digay faafinta waxyaabaha aan xaqiiqada ku saleysnayn.