Isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ayaa doonaya in siyaasiyiinta ku lug yeesha dibadbaxyada rabshadeysan aan loo oggolaan inay gudaha dalka ugu tartamaan jagooyinka siyaasadeed.
Arrintan ayay la wadaageen guddiga wada hadallada qaran ka wado xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Waxay ku taliyeen in la xakameeyo xuquuqda la xiriirta qaban qaabinta iyo ka qayb qaadashada dibadbaxyada si looga hor tago waxyeelleynta shacabka iyo burburinta hantidooda.
Waxaa arrinkan soo jeediyay siyaasiyiin uu hor kacayay xoghayaha guud ee xisbiga UDA ,Cleophas Malala.
Malala ayaa sheegay in loo baahan yahay soo saaridda xeer qeexaya la xisaabtanka dadka soo qaban qaabiyo mudaharaadyada haddii ay noqdaan kuwo rabshadeysan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay horseedaysa in wadanka ay ka jirto xasilooni siyaasadeed oo ay mas’uuliyiinta u hoggaansamaan nidaamka kala dambeynta ee dhanka maamulka.
Sidoo kale Kenya Kwanza ayaa ku baaqday in dib loo soo dhiso guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Siyaasiyiintan ayaa sheegay in aan loo baahneyn isqabqabsiga ku aaddan doorashooyinkii sanadkii hore ee laga soo gudbay balse guddiga IEBC laga doonayo inuu casharro ka barto khaladaadkii ka dhacay si aan mar kale loogu laaban .
Waxay sheegeen in dib u dhaca la xiriira in aan weli la buuxin jagooyinka saraakiisha sare ee IEBC ay saameyn ku yeelatay geeddisocod dastuuri oo muhiim ah.
Sidoo kale waxay taageereen soo jeedinta ku aaddan in la soo dhiso xafiiska madaxa mucaaradka dalka oo xafiiska madaxa wasiirrada wadanka lagu dabbaqo dastuurka.
Hoggaamiyaasha Kenya Kwanza ayaa soo jeediyay in la soo dhiso sanduuqa horumarinta deegaananda hoose ee ismaamullada dalka sidoo kalena xildhibaannada, senatarrada iyo wakiillada ismaamullada ay lahadaan sanduuqa lacageed ee kormeerka howlaha dowladda dhexe iyo dowlad deegaannada.
Xildhibaanka deegaanka Emuhaya ee ismaamulka Vihiga , Omboko Milemba ayaa warbaahinta u faahfaahiyay waxyaabihii ay u soo jeediyeen guddiga wada hadallada qaran.




