DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Kakamega oo ka soo horjeestay in madaxweynaha muddada loo kordhiyo

0
256

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Kakamega ayaa gaashaanka u daruuray hindise sharciyeed uu soo saaray senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei.
Hindisahan ayaa ku saabsan in muddo xileedka loo kordhiyo madaxweynaha iyo madaxda kale ee la soo doorto.
Samson Cherargei ayaa doonaya in muddo xileedka hoggaamiyaashan oo hadda ah Shan sano in laga dhigo Toddobo sano.
Hasa ahaate , wasiirka wasaaradda iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar Wycliffe Oparanya, barasaabka ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa iyo ku xigeenkiisa Ayub Savula ayaa dowladda ugu baaqay in ay dastuurka u hoggaansanto.
Waxay hoggaamiyaasha ka codsadeen in aynan sameyn isbeddel ay doonayaan in ay si shakhsi ah uga faa’iidaan.

Waxaa sidoo kale , soo jeedinta senatarka Nandi dhaliilay guddoomiyaha guddiga maareeya howlaha dalxiiska ee dalka Benjamin Washiali .
Senatarka ismaamulka Nairobi ahna xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa dhankiisa sheegay in ka mucaarad ahaan aynan marnaba oggolaan doonin in iskudaygan uu meel maro.