Madaxda isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay ansixinta xeerka maaliyadda ee sanadkan.
Wasiirkii hore ee difaaca dalka ahna madaxa xisbiga DAP-K,
Eugene Wamalwa ayaa sheegay in maamulka talada haya uu muujiyay inuunan shacabka u daneynayn.
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Kathiani ee ismaamulka Machakos , Robert Mbui ayaa dhankiisa maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee (EPRA) ku dhaliilay inuu boqolkiiba 16 kordhiyay canshuurta shidaalka iyadoo uu jiray amar maxkamadeed oo arrinkan lagu hor istaagay.
Waxaa uu dhanka kale bogaadiyay senatarka ismaamulka Busia , Okiya Omtatah oo dacwaddaasi maxkamadda geeyay.
Xildhibaanka ayaa su’aal geliyay cidda ay matalaan mudanayaasha baarlamaanka ee codkooda ku taageeray hindise maaliyadeedkii uu madaxweynaha dalka saxiixay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Azimio oo doonaya in dib u eegis lagu sameeyo xeerka maaliyadda




