DHAGEYSO:Siyaasiyiin racfaan ka qaadanaya go’aankii maxkamadda ee CAS

0
294

Senatarka ismaamulka Nandi ,Samson Cherargei ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inay maxkamadda racfaanka ee dalka u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah go’aankii ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka taasoo ay ku sheegtay inay sharci darro ahayd tallaabadii uu madaxweynaha wadanka William Ruto ku soo magacaabay xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dalka ee loo yaqaano CAS oo gaaraya 50.
Senatarka ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aankaasi uu ahaa mid lagu qalmaday oo aan lagu tixgelin nuxurka dacwadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in sanad maaliyadeedkan waaxda garsoorka ee dalka loo qoondeeyay lacag intii hore ka badan 4 bilyan oo shilin balse weli ay jiraan kiisas badan oo aan la dhameyn, musuqmaasuq iyo karti la’aan la xiriirta fidinta adeegyada cadaaladda.
Senatarka Nandi ayaa xusay in dacwadda racfaanka ee ay qaadanayaan ay ku saleysan tahay danta guud.

Waxaa sidoo kale dareen kani la mid ah muujiyay Issac Mwaura oo ka mid ahaa xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha ee uu magacaabay hoggaamiyaha dalka isagoo xusay inay qabaan kalsooni ah inay ku guulaysan doonaan dacwadda racfaanka.