DHAGEYSO:Ruto oo kormeeray mashruuca waddada Kitui

0
179
Ruto oo la sheekeysanaaya haweeney reer Kitui ah

Haweeney reer Kitui ah ayaa farxad weyn muujisay kadib markii ay si lama filaan ah ula kulantay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, xilli uu booqanayay mashruuca dhismaha waddada Chuluni–Zombe.
Madaxweynaha ayaa u yimid goobta si uu u arko halka uu marayo dhismaha waddadan, oo ka mid ah mashaariicda lagu horumarinayo gobolka Kitui.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya haweeneyda oo si farxad leh ula hadleysa Madaxweynaha, waxaana kulankaasi soo jiitay dareenka dad badan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in waddada Chuluni–Zombe ay fududeyn doonto isku socodka gaadiidka, ganacsiga, iyo isku xirka tuulooyinka iyo deegaannada ku dhow waddada.
Ruto ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada waxbarashada si carruurta Kenya ay u helaan waxbarasho wanaagsan.
Wuxuu sheegay in dowladda ay xoogga saari doonto dhismaha fasallo cusub, hagaajinta dugsiyada, iyo taageeridda macallimiinta si loo yareeyo dhibaatooyinka waxbarashada.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ujeeddadu tahay in aanu jirin arday guriga ku haraya sababo la xiriira fasal la’aan ama dhibaatooyin ka jira dugsiyada. Wuxuu ku baaqay in la dedejiyo dhismaha iyo hagaajinta dugsiyada si arday kasta uu u helo meel uu wax ku barto.

Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in waddooyinka iyo korontadu ay muhiim u yihiin horumarka gobolka Kitui iyo guud ahaan Kenya.
Wuxuu sheegay in dowladda ay sii wadi doonto dhismaha iyo hagaajinta waddooyinka si dadka iyo gaadiidku si fudud ugu kala safraan, ganacsiguna u kobco.
Ruto ayaa xusay in horumarinta waddooyinka ay ka mid tahay qorshaha dowladda ee lagu hagaajinayo adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha. Wuxuu sheegay in mashaariicda socda la dardargelin doono si dadka deegaanka ay uga faa’iideystaan.