Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya oo kulan dadweyne ku qabtay xarunta ganacsiga ee Asango oo ka tirsan deegaanka hoose ee Sigomre Ward ee ismaamulka Siaya ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka taasoo ay ku sheegtay inay sharci darro ahayd tallaabadii uu madaxweynaha wadanka William Ruto ku soo magacaabay xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dalka ee loo yaqaano CAS oo gaaraya 50.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka, Opiyo Wandayi ayaa sheegay inay garsoorayaasha ku raacsan yihiin go’aanka ay soo saareen iyadoo madaxa mucaaradka dalka Raila Odinga uu dhanka kale carrabka ku adkeeyay in 7-da bishan Toddobaad la billaabaya dibadbaxyo qaran.
Hasa ahaate kenyaanka oo aragtidooda ka dhiibtay go’aankii ka soo baxay maxkamadda sare ayaa arrinkan ku kala qaybsan waxaana jiro kuwo u riyaaqay halka qaar kalena ay ku tilmaameen tallaabo carqaladeynaysa waxqabadka dowladda sare.




