DHAGEYSO:Martha Karua oo sheegtay inaysan Azimio ka baxayn haddii aan loo magacaabin ku xigeenka Raila

0
918

Madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua ayaa sheegtay inay ka sii mid ahaan doonto isbeheysiga Azimio -One Kenya xita haddii aan loo magacaabin inay xilliga doorashada guud ee sanadkan ku xigeen u noqoto musharraxa madaxweyne Raila Odinga.
Waxay ka mid ahayd siyaasiyiin uu turxaan bixiyay guddi ka kooban toddobo xubnood oo soo xulaya madaxweyne ku xigeenka xiga ee dalka haddii uu loolanka ku guulaysto ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya.
Martha Karua oo kulan la qaadatay madaxda ismaamulka Nyeri ayaa hoosta ka xarriiqday inay aad ugu kalsoon tahay musharraxnimada Raila.
Karua ayaa xustay in iyada iyo Raila ay halgan dheer u soo wada galeen arrimaha dimuqraadiyadda sidaas awgeedna ay u ololeyn doonto.