DHAGEYSO:Martha Karua oo sheegtay in aan la haleelin ujeeddadii loo aasaasay OKA

0
489

Madaxa xisbiga NARC-Kenya Martha Karua oo wareysi gaar ah siisay telefishinka maxalliga ee NTV ayaa sheegtay in lagu fashilmay ka dhabeynta hiigsigii laga lahaa isbeheysiga OKA xilligii la aasaasayay.
Waxaa isbeheysigan ka wada tirsan xisbiyada Wiper, KANU iyo UDP.
Martha Karua oo hoosta ka xarriiqday inay weli hoggaamiso NARC-Kenya oo uuna yahay xisbi aan burburin ayaa xustay in mas’uuliyiinta OKA ay gacan bidixeeyeen markii ay ku biirayeen Azimio.
Waxay carrabka ku adkeysay in kastoo uu horay heshiis ugala dhexeyay Kalonzo Musyoka, Gideon Moi iyo Cyrus Jirongo in ku biiritaankoodii isbeheysiga Azimio ee uu hor kacaya Raila Odinga aan laga qayb gelin.