Madaxweyne William Ruto ayaa si adag u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda SHA, isaga oo sheegay in nidaamka cusub ee daryeelka caafimaadku uu suurtageliyay in dhammaan dadka reer Kenya, iyadoon loo eegin heerka ay bulshada kaga jiraan, ay helaan adeegyo caafimaad.
Isagoo la hadlayay in ka badan 7,000 oo shaqaalaha caafimaadka bulshada ee Ismaamulka Nairobi ah oo uu kula kulmay Aqalka Madaxtooyada State House, Madaxweyne Ruto ayaa iska fogeeyay qorshaha mucaaradku ku doonayaan inay ku baabi’iyaan SHA iyo barnaamijyada kale ee dowladda haddii ay ku guuleystaan doorashada guud ee 2027.
Wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay Kenya dib ugu celin doonto maalmihii mugdiga ahaa.
Isagoo difaacaya SHA, Madaxweynaha ayaa sheegay in dib-u-habaynta lagu sameeyay waaxda caafimaadku ay xaqiijisay in isbitaalladu helaan lacag-bixinnadooda waqtigii loogu talagalay, daawooyinku si joogto ah u helaan bukaannada, isla markaana xarumaha caafimaadka lagu qalabeeyay qalab casri ah oo lagu sameeyo baaritaannada iyo ogaanshaha cudurrada.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweyne Ruto oo dhaliilay mucaaradka ku hanjabaya inay baabi’inayaan SHA




