DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in 7 milyan oo qof laga qaaday xanibaadda deymo ay qaateen

0
172

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa deegaan baarlamaneedka Molo ee ismaamulka Nakuru sheegay in ku dhawaad 7 milyan oo qof oo kenyaan ah laga qaaday xannibaad horay loo saaray taasoo la xiriirtay lacago ay deynsadeen oo aynan bixin.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay inuu fuliyay ballanqaadkii uu u sameeyay shacabka ee ahaa in dadka danyarta ah iyo ganacsatada yaryar fursad dhaqaale la siinaya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sababta ay dowladda dhexe u billowday sanduuqa amaahda ee Hustler Fund ay tahay in qofka uu si fudud ku qaato lacag deyn ah isagoo adeegsanaya taleefoonkiisa gacanta.