Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay hindise sharciyeedka guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa ee ay ansixiyeen baarlamaanka iyo aqalka sare.
Tani ayay micnaheedu tahay in laga billaabo dhammaadka bishan , dadka shaqeeya iyo xarumaha ay ka howlgalaan ay bil kasta sanduuqa guriyeynta ku biirin doonaan boqolkiiba min 1.5 ee mushaaraadka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay xildhibaannada iyo senatarrada isbeddel ku sameeyeen hindise sharciyeedka guriyeynta waxayna ku kordhiyeen in dowladaha ismaamullada laga qayb geliyo qorshahan.
Xeerka cusub ee uu saxiixay madaxweynaha dalka waxaa qayb ka ah in barasaabyada ay soo dhisaan guddiyo qaabilsan isku xirka oo kormeeri doono dhaqangelinta barnaamijyada guriyaha .
Sidoo kale iyadoo loo hoggaansamaya amarkii maxkamadda ayaa waxaa uu xeerkan soo dhisaya sanduuq dhaqaale oo uu maareyn doono guddiga guriyaha la awoodi karo.
Guddigan ayaa lagula xisaabtamaya qaabka loo adeegsado lacagaha kenyaanka laga jaraya.
Tallaabooyinka la is kula xisaabtamaya ee ku xusan xeerkan waxaa ka mid ah in guddigu uu dejiyo qorshaha maalgalineed oo shan sano ah iyo midka sanadlaha ah iyadoo tani ay ku saleysan tahay ansixinta golaha wasiirrada iyo baarlamaanka.
Sanadkii hore ayay ahayd markii ay maxkamadda sare sharci darro ku tilmaantay qorshaha guriyeynta ee dowladda iyadoo maxkamadda racfaanka ay go’aankaasi ayidday.
Balse madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta sheegay in maxkamadaha ay maamulkiisa fursad u siiyeen in hindisahan lagu sameeyo isbeddelladii la doonayay taasina hadda la dhameystiray.
Xeerka ayaa waxaa ku xusan in marka guriyaha la awoodi karo la dhisaya mudnaan la siinaya xaafadaha isku raranta ah .
Sidoo kale agabka dhismaha ayaa laga iibsanaya shirkadaha maxalliga ee soo saara qalabka kala duwan iyadoo mashruucan loo howlgelinaya bulshooyinka deegaannada kala duwan ee laga hirgelinaya.