Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ka codsaday inay maamulkiisa garab ku siiyaan dhaqangelinta mashaariicda horumarineed ee dhanka cunnada , shaqo abuurka iyo caafimaadka guud.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii dowladdu aynan qaadan go’aammo adag in aan Kenya horumar la gaarsiin karin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Uasin Gishu waxaa uu sheegay in uunan dagaal ka dhexeyn golaha fulinta ee dowladda , waaxda garsoorka iyo baarlamaanka.
Waxaa uu ku celceliyay in la joogo xilligii mas’uuliyiinta kala duwan ay u midoobi lahaayeen hirgelinta qorshayaasha horumarineed.
William Ruto ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii maxkamadaha looga soo saari lahaa dacwado ka dhan ah mashruuca guriyeynta ee dowladda iyo barnaamijka caafimaadka guud oo horay loo gudbiyay.
William Ruto ayaa xusay in shakhsiyaadka dacwadahan geeyay ay leeyihiin caymis caafimaad oo dhameystiran kaasoo lagu maalgeliyo canshuurta ay kenyaanka bixiyaan.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo mas’uuliyiinta ugu baaqay in ay maamulkiisa la shaqeeyaan