DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay xoojinta amniga Waqooyiga Rift Valley

0
296

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinaya ammaanka Waqooyiga Gobolka Rift Valley.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Baringo ayuu hoggaamiyaha Kenya carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu ka dhabeyn doono ballanqaadkii ahaa ciribtirka falalka burcadnimo iyo dhaca xoolaha ee saameeyay gobolkaasi.
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay Rift Valley ka howlgelisay in ka badan 1,500 oo ah ciidamada difaaca iyo 3,000 oo ah saraakiisha booliiska si ay ula dagaallamaan kooxaha gaysanaya falal dambiyeedyada.
William Ruto oo tusaale u soo qaatay falal amni darro oo ka dhacay ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii dhammaan deegaannada wadanka ay u noqon lahaayeen kuwo ay xasillooni buuxda ka jirto

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhanka kale ka hadlay arrimaha caafimaadka.
Waxaa uu wacad ku maray in si wayn loola dagaallami doono musuqmaasuq uu sheegay inuu ka dhex jiro waaxda caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF oo hadda loo beddelay SHIF.

Hoggaamiyaha dalka ayaa soo hadal qaaday taageeridda beeralayda si sare loogu qaado soo saaridda cunnada.

Waxaa uu dhanka kale sheegay inay qasab tahay in xoolaha dhaqatada Kenya ay la yimaadaan wax soo saar ku aaddan haragga xoolaha.
William Ruto ayaa tilmaamay in shan sano ka dib aan dibadda Kenya laga soo dejin doonin badeecooyinka laga sameeyo haragga sida kabaha.