Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta magaalada Mombasa ee gobolka xeebta si rasmi ah uga furay shirka sanadlaha ee ururka ay ku mideysan yihiin maamulayaasha dugsiyada sare ee wadanka (KESSHA).
Kulanka oo socon doono muddo hal toddobaad ayaa ah midkii 45-aad ee la qabanaya.
Shirka waxaa sanadkan ka qayb gelaya in ka badan 10,000 oo ah maamulayaasha dugsiyada sare ee Kenya.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kulankan uu yahay midkii ugu horreeyay ee toos ah tan iyo sanadkii 2019-kii , cudurka COVID-19 ee dalka ka dillaacay awgeed.
Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in cudurka COVID-19 uu saameyn ballaaran ku yeeshay habsami u socodka tacliinta wadanka maadaama ay dugsiyada in muddo ah xirnaayeen.
Waxaa uu tilmaamay in tani ay saameyn ku yeelatay 17 milyan oo arday ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa madasha maanta uga faa’iidaystay inuu ka tacsiyeeyo geerida barayaasha uu noloshooda galaaftay cudurka.
Waxaa uu maamulayaasha u sheegay in dowladda iyo dadka Kenya ay macallimiinta uga mahadcelinayaan kaalinta ay ka qaataan horumarka bulshada.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in intii ay dugsiyada xirnaayeen ay arday badan oo gabdho ah ay uur qaadeen.
Maamulayaasha kulanka ka qayb gelaya ayuu ka codsaday inay door ka qaataan dib u soo noleynta tacliinta wadanka.
Waxaa uu ku celceliyay in maamulkiisa uu waxyaabo badan ka qabtay arrimaha waxbarashada haddii ay tahay macallimiin la shaqaaleysiiyay iyo miisaaniyad loo qoondeeyay wasaaradda waxbarashada ee dalka.
Madaxweynaha ayaa xusay inuu rajeynayo in sanadkan marka la gaaro maalinta Madaraka Day uu abaal marino guddoon siin doono barayaasha ugu waxqabadka fiican.
Isagoo tusaale u soo qaatay magaca Peter Tabichi oo sanadkii 2019-kii loo aqoonsaday macallinka ugu wanaagsan caalamka ayuu Mr. Kenyatta barayaasha u sheegay in lagu xisaabtamayo.
Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale amray in laga shaqeeyo sidii goobaha waxbarashada dib loogu soo celin lahaa arday badan oo dugsiyada iskaga baxay .
Xilli uu farriin u dirayay dhallinyarada door bido shaqooyinka xafiisyada ayuu yiri