Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa difaacay go’aanka uu maamulkiisa heshiisyada kula saxiixanaya qaar ka mid ah waddamada caalamka si ay halkaasi uga shaqaaleysiiyaan dhallinyarada kenyaanka ah.
Waxaa uu sheegay in tani ay yareyn doonto heerka shaqo la’aanta ay da’yarta wajahayaan.
Ruto ayaa arrintan ka hadlay xilli uu u jawaabayay madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya Raila Odinga oo madaxweynaha ku dhaliilay safarrada uu ku tago dalka dibadiisa.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in marka dhallinyaro badan oo kenyaan ah ay fursado shaqo ka helaan dalalka kale inay kordhi doonaan lacagaha ay qurba joogta u soo diraan qoysaskooda iyo ehelladooda ku nool gudaha wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qorshahan uu ugu dambeyn kobcin doono dhaqaalaha wadanka ee sida uu hadalka u dhigay uu hadda ku dadaalaya inuu wanaajiyo.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay inay jiraan dhallinyaro bishan iyo bisha xigta gudahooda tagi doono Israa’iil , Jarmalka iyo Maraykanka si ay halkaasi uga howlgalaan.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo difaacay qorshaha dhallinyarada shaqooyin looga raadinaya dibadda




